daajis.com:- Qaar ka mid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku qanciyay Beelaha qaar in ay Xilal Siyaasadeed ka helaan Dowladda dhexe iyo Gobolka Banaadir.
Nabaddoon Cismaan Dhicisoow Dhuuboow oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal,ayaa sheegay in Madaxweynaha uu beeshooda ku qanciyay in ay qaataan Xilal Siyaasadeed iyo mid Ciidan, iyagana ay ka ogolaadeen in ay ku laabtaan Shirka Jowhar
Nabaddoon Cismaan ayaa sheegay in Labo Jeneraal Ciidan oo uu Midi fadhiga ku magacaabay Madaxweynaha,Safiir, Qunsul iyo Guddoomiye ku xgeenka Gobolka Banaadir ay ku qanceen islamarkaana ay Madaxweynaha kula heshiiyeen in ay ku laabtaan Shirka Jowhar.
Waxaa uu sheegay in xilalkaasi Madaxweynaha uu Wareegto ku soo saarayo,waxaana uu ka gaabsaday waxa uu ka ogyahay Beelaha kale ee lagu qanciyay in ay ku biiraan Shirka Jowhar.
Beelaha qaar ayaa ka horyimid Shirka in ay dib ugu laabtaan,waxaana Odayaashii Hiiraan ay Dowladdu u kala qeybisay qeyb raacday iyo qeyb ka hortimid.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at