Fadeexad ka dhalatay Hubkii DF u dirtay Puntland {Yaa ka dambeeyay?}

Fadeexad ka dhalatay Hubkii DF u dirtay Puntland {Yaa ka dambeeyay?}

daajis.com:- Waxaa maalmahan danbe soo baxayay warar ku saasban in hubkii dowladda Federaalku ku taageertay maamulka Puntland dagaalka uu kula jiray kooxda Alshabaab ee ku duushay degaanada Puntland uu noqday hub uu ka maqan yahay qarxiyaha (dilaaga) oo hubkaasi la’aantood aanay shaqadii loogu talogalay qaban karin.

Xogo kala duwan oo ay bixiyeen sarkiisha Puntland ayaa lagu sheegay inay la yaabeen markii ay hubkaasi ka waayeen wax qarxiye ah, taasoo keentay inay su’aalo badan ka dhashaan sida ay ku dhacday arrintan iyo cidda ka danbeysay.
Puntland ayaa arrintan kala hadashay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay iska fogeysay arrintan, iyadoo sheegtay in rasaasta iyo taashinka ay iyadu ku deeqday qoryahahana ay uga yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta, lana baari doono sida wax u dhaceen.

Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ayaa iska fogeeyay arrintan, iyagoo ku doodaya inay hubkaasi u soo gudbiyeen si toos ah oo aanay wax hubin ah ku sameyn. Imaaraadka Carabta ayaa laga sugayaa jawaab ku saabsan arrintan oo safiirka dalkaasi ee Soomaaliya Maxamed Alcusmaani ay arrintu gaartay.
Puntland oo caadiyan gar iyo gardarro cambaareyn iyo diidmo la daba taagan dowladda Federaalka ayay tani u noqotay arrin kale oo ay fadeexeeyaan dowladda Federaalka, laakiin waxaa arrintan hoos u dhigay madaxweyne C/weli Gaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada