daajis.com:-Filimaanta Romantic ah ayaa door ka qaata in gabdhaha ay rajo beel ka
 qaadaan xariirka jaceyl iyadoo dhamaan wax waliba oo qalbigeeda 
jilicinaya ee dareemo ah ay ku jiraan shaashada Taleefishinka .
Mana arkeysid mana maqleysid arimahaas , waxa ayna daajis ku 
siineysaa xogta arintaas ee il gaar ah isaga yeelo hana ka filin ninka 
xariir wadaagga la tahay in aad ka heleysid .
1- Waxa Uu Ka Heesaa Daaqad Gudaheed : ka dib marka 
ay gabartu la dooddo xabiibkeeda , waxa ay habeenkaas ku dhameysataa 
oohin oo haddii ay jiraan fariimo jaceyl oo ay ka hayso dib ayayna u 
aqrisaa wax ayna rajeysaa in xaaladda sideedii hore ku soo noqoto .
Dhanka Filimada : loogama baahna intaas oo dhibaato ah , maxaa yeelay
 Actor-ka marka uu la doodo qofta uu jaceylka la jiliyo waxa uu la 
xariiraa koox Music garaacda markaas ayuu hees macaan oo jaceyl 
diyaarsadaa ka dib la taagaa guriga gabarta jaceylka uu filimka kula 
jilayo markaas ayuu daaqadeeda hees iyo music qag ugu siinayaa.
2- Waxa Uu Iska Idho Tiraa Haweenka Qurxoon Waxa Uuna Jecldaa Gabar Faqiir Ah Oo Dariskiisa Ah :
 meeqa qiso ayaan aragnay oo ku dhisan wiil dhalinyaro hantiile ah oo 
jeclaanaya gabar quruxdeeda iska dhex dhexaad tahay oo faqiir ah dan ka 
laheyn daryeelka Make Up-ka jirkeeda oo dhar aan qurxooneen xeraneysa .
3- Waxa Uu Leeyahay Dulqaad Xad Dhaaf Ah : Kaliya 
Filimada , Kaliya Filimada ayaad ku arkeysaa , ninka filimka jiliya waxa
 uu gudaha ku wata noole labaad oo shaqadiisu tahay sabar iyo dulqaad .
Sanado ayuu sugayaa si ay u jeclaato , saacado badan ayuu albaabkeeda
 taagnaanayaa isaga oo gacantiisa ku wada ubax ,mana hadlayo halka iyada
 ay u arkeyso qiyaanoole been loow ah .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 08:00 and have
            

