daajis.com:- cilaan
 saarMarkaad la kulmaysid caruusadaada ama aad kaxaysanaysid, bisinka 
akhriso. udhoola cadee, uqosol, gacanteeda qabso adoo hadal macaan ku 
oranaya sida waan kuu soo xiisay xabiibti ama adiga hadaan ku helay wax 
iga maqan aduunka ma jiro IWM.
-La soco in caruusadu 
waxa ay ubaahantahay habeenkaas ay tahay naxariis iyo xasilooni aad 
siisid iyo jacayl, markaa ufiirso hadalada iyo taabashadaada. 
-Guriga markaad gashaan 
oo aad kaligiin noqotaan, waxaad siisaa caruusada waxay cabto, inta ay 
wax cabayso la hadal oo isku day inaad ka qoslisid ama hadal macaan 
maqashiisid.
-Dhunko markaad guriga 
soo gashaan, u muuji inaad ku faraxsantahay iyada, hadal ahaan ku muuji,
 mar walba in yar marka laga soo warego dhunko caruusadaada.
-Sii fursad caruusadaadu inay kaligeed labisato oo isku ka diyaariso, ha oran maxaad iiga xishoon ninkaagii ayaan ahaye!!!.
-Adigana dharkii kuu 
diyaarka ahaa xiro, oo udgoonna marso, cashadana soo dhig, soo fariisi 
caruusadaada, haday cashada kaa diido inay cunto adiga afka ugu gur adoo
 naxariis muujinaya.
-Qolka hurdada markaad kaligiin noqotaan sii hadiyada aad udiyaarisay ee aan soo sheegnay.
-Inta aydan xaajadiina 
gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, daajis.com 
ayaa ku leh ninyahow si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo 
dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh haday baqayso ama ay 
walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 07:00 and have
            

