WARBIXIN XASAASI AH: Sababtii xilka looga qaaday Agaasimihii wasaaradda Diinta & Awqaafta Soomaaliya

WARBIXIN XASAASI AH: Sababtii xilka looga qaaday Agaasimihii wasaaradda Diinta & Awqaafta Soomaaliya

daajis.com:- Waxaa dhowaan xilka wareejiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Skeekh Maxamed Kheyrow Aadan oo ahaa waaya-arag culimo ah oo in badan ku soo dhex jiray wasaaradda, isla markaana ka mida agaasimeyaasha ugu nadiifsan dowladda Soomaaliya, waxayna arrinta keentay xil ka qaadistiisa dib ugu laabaneysaa Bishii Disembar ee sanadkii tegay 2015, halkaas oo aanu sheekada idinka bilaabi doono.

“Waxay ahayd kulankii caadiga ahaa ee Golaha  wasiirada xukuumadda Soomaaliya 24-December 2015, goobta waa xafiiska Ra’iisal wasaaraha…, waxaa shirka xaadiray inta badan xubnaha golaha wasiirada, laakiin durba isbedel ayaa la dareemay… Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid si aan looga baran waxaa ka muuqda inuu careysan yahay… Shirkii ayaa bilowday ajendayaal dhowr ah ayaa la sheegay, kadibna ra’iisal wasaaraha ayaa si kulul uga hadlay go’aan maalmo ka hor kasoo baxay wasaradaha Diinta & Awqaafta iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu mamnuucay in loo dabaaldego ciida masiixiga ee (Christmas-ka)  loo yaqaan iyo habeenka sanadka cusub ee nataalaha.

Waxay ahayd markii ugu darneyd ee la arko ra’iisal wasaare cumar C/rashiid oo sidaas u careysan, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo maalintaa Goobjoog ahaa oo mid kamida ku dooday inuu u qaatay  dhibaato weyn oo halis ku ah qaranka inay dhacday, laakiin markii arrintii noqotay: MAXAA LOO MAMNUUCAY DABAALDEGGA CIIDA MASIIXIYIINTA ay la yaabeen.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu ku dhegay wasiirada Diinta iyo Awqaafta Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi isagoo weydiiyay sida go’aanka lagu soo saaray iyo wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo isna loo qabsaday warkii ka soo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Labadii Wasiir ayaa difaac galay Wasiir Baqdaadi wuxuu  ku fashilmay inuu difaaco wasaaradiisa, waxaana uu sheegay inuusan waxba kala socon oo agaasimaha arrintaas ku fududaay, taasina waxay keentay in Ra’iisal wasaaraha  tallaabo xil ka qaadis ah ku sameeyo Agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafa Sheekh Aadan Kheyrow, isagoo wasiir Baqdaadi ay ku dhacday canaan weyn oo ku saabsan inuusan maamuli karin wasaaradiisa oo wixii ay doonto iska sameyneyso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha difaac ayuu galay, wuxuuna ku dooday mar haddii warkaasi dowladda qeybo ka mida ka baxay inaan laga daba qaadan oo haddii ay sidaasi dhacdo, xaaladd uga sii dareyso, ayna haboon tahay in sidaasi arrinta dhacday lagu gaabiyo. Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkeystay in arrintan aan la aqbali karin, waxaana la sheegay inuu cadaadis uga yimid dalal dibadda ah, kadib markii saxaafadda reer galbeedka ay si weyn u baahisay warka dowladda Soomaaliya ku mamnuucday damaashaadka ciida masiixiga oo noqda war aad u weyn.

Akhri sida saxaafadda dunida u baahisay warkan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada