daajis.com:- Waxaan usoo joogay:Waa cutub kamid ah buug aan ka qoray south africa iyo soomaalida oo lagu magacaabo soweto sheeko iyo shaahid cutubkaan waxaan ku aruuriyey sheekooyin badan oo qabsaday dhalinyarada ka shaqaysato koonfur afrika.
Waxaan u soo joogay!
Waxaan dukaanka uga shaqaynaynay labo, waxaa noo kireysnaa qol ku yaallay guri naga soo horjeeday. Waan is badbadali jirnay, qofba habeen ayuu qolka soo jiifan jiray halka kan kale uu dukaanka joodari dhex dhigan jiray halkaasna uu waardiye ka qaban jiray. Habeenkaan waxaa da’ayay roob xooggan. Shanqarta aan maqlaayay waxay ahayd un dhibcaha roobka ee ku kor dhacaayay jiinkadda dushayda ka muuqato. Anigoo isleh cid roobkaan kusoo dhex lugeen karta oo kuugu imaaneyso in ay ku dhacdo ma jirto ayaan si kalsooni ku jirto dhinaca dhulka u dhigay.
Waxaan kusoo baraarugay albaabki yaraa ee dukaanka oo la soo jabinayo, wali indhaha si fiican uma kala qaadin lakin aniga oo aan weli fahmin sida ay wax u dhacayaan ayey dhawr nin isoo dul istaageen. Dukaanka waa mugdi;waxay igu amreen in aan nalka daaro si halhaleel ah ayaan u taabtay badhanki daaridda. Marki ay dhaayaha iga qaadeen ayuu midkoodi ugu xoog weynaa dhabarka iga haraantiyey waxaana sidi dhagax lasoo tuuray ugu dhacay darbi iga horreeyey.
Waxay igu amreen in aan sheego meelaha ay lacagaha yaallaan. Wax lacag ah oo taallay dukaanka ma jirin habeenkaas lakin waan jeclaan lahaa in ay malaayiin doollar taallo si aan nafteyda ugu furto. Si xun bey ii jir dileen iyagoo doonayo in ay iga sheegsiiyaan halka ay lacagta taallo.
Waxay ii xireen gardadduub kadibna waxay igu tuureen dhulka, waxay sidey doonaan u daba geddiyeen dukaanki ayagoo baarayo lacago meelaha lagu xaseeyey. Waxay billaabeen in ay rartaan alaabti dukaanka taallay. Mar aan isku dayay in aan madaxa kor u yara qaado oo isku dayo in aan iska furo xarigga ay igu xireen mid aanan iska jirin ayaa si xun igula joogsaday kabo uu qabay oo hoos mudacyo kalahaa asagoo af ingiriisi kulahaa ma waxaad is moodday nin caqli badan. Habeenkaas isma lahayn waad ka badbaadi doontaa raggaan.
Kadib marki ay alaab badan qaateen lana aadeen dhanka uu u yaallay gaari ay wateen ayaan iska furay xariggi waxaana u cararay dhanka qolki uu jiifay wiilki kale. Waan qayliyey ilaa uu soo kacay wiilki qolka hurday. waxaan cayrsannay tuugadi lakin maanan gaarin haddii aan gaari lahaynna wax kamaanan qaban karin. Waxaan soo aruursannay alaab yar oo waddada uga daadatay. Dhaqaalo raadis baan unnimide Dhac bey noogu badeleen.
Waxaan usoo joogay (2)
Dukaankaan wuxuu ku yaallaa goob dhaqdhaqaaq ganacsi oo fiican leh. Dhibka ugu wayn ee haysta waa dhaca joogtada ah ee lagu hayo. Dhalinyarada joogta marki ay u maara waayeen tuugada soo weerarta ayaa waxay qabsadeen ilaalo qaas ah (private security company). Qoladaan ayaa dukaanka geeysay ilaaliye iyo ganbaleelka qeyliya marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah ama halista ah.
Maalin ayaa waxaa u yimid askarigi ilaalinaayay dukaanka koox tuugo ah waxayna ku amreen in uu meesha isaga tago qorrax dhaca ka hor. Waxayna u sheegeen haddii uu kala qeyb qaato hawlgalka ay ku dhici rabaan dukaanka ay qayb kasiin doonaan dhaqaalaha kasoo galo.
Askarigi dukaanka ilaalinaayay wuxuu u sheegay burcaddi in uu kala qayb qaadanayo hawlgalka. Waxay ballameen 7da fiidnimo. Asakarigi wuxuu la hadlay police-ka wuxuuna ku war-geliyay arrinta jirto asaga oo u sheegay in ay goobta yimaadaan 7da fiidnimo oo ay tuugada imaanayaan.
Booliski oo dhar shibil ah soo xirtay ayaa yimid goobti saacad ka hor, marki la gaaray wakhtigi ballanta, askarigi wuxuu wacay tuugadi una sheegay in ay hawsha billaabaan.
Laba tuug oo uu mid hubeysanyahay ayaa dukaanki horey u galay halka uu mid kale bannaanka waardiye ka qabtay. Halkaas markey mareyso xaaladda ayaa waxaa soo galay goobta policeki oo xabado ku billaabay tuugadi. Mid kamid ah tuugadi oo qori ku hayo wiil soomaali ah oo tiilka dukaanka ku jiray ayey xabaddi kowaad ka qabsatay madaxa halki ayuuna ku dhintay.
Halka kii kalana lagu dhex dilay dukaanka. Hawlgalkiina wuxuu kusoo gabagaboobay dhimashada laba kamid ah tuugadi iyo dhaawac fudud oo soo gaaray mid kamid ah wiilashi dukaanka ka shaqeynaayay. Goob Ganacsi ayaan Ka dhigannaye goob dagaal ayey u baddaleen.
Waxaan usoo joogay 3
Gaarigeyga ayaan gaystay goob gawaarida lagu dhaqo oo aan ka fogeyn xaafadda mayfair ee ay soomaalida ka degto magaalada Johanesburg. Waxaan horey usoo qabsaday gaari taksi ah. Gaariga waxaa saarnaa laba nin iyo darawalka. Marki hore kuma baraarugsanayn qatarta iiga imaan karto ragga gaariga saaran waxaana soo raacay aniga oo aan si fiican isga eegin.
Xoogaa markaan soconnay ayuu gaarigi ka leexday jihadi aan u socday. Darawalki ayaan la hadlay waxaana u sheegay in aanan u soconin halka uu u jihaystay lakin wax jawaab ah kama helin. Waxaan isku dayay in aan istaago, aniga oo laacayo albaabka gaariga ayaan dareemay wax gadaal ii soo celinayo. Mid kamid ah raggi gaariga saarnaa ayaa inta uu soo istaagay ayuu gacantiisa bidix ku soo jiidayaa shaatigeyga markaan soo fiiriyeyna waxaan arkay bistoolad uu gacanta midig ku haysto.
Ninka oo aan muuqaalkiisa horey uga argagaxay wuxuu u muuqdaa tuugada waawayn ee gangistarrada ah. Wuxuu ii tilmaamay in aan fadhiisto. Waxaan dib ugu noqday halki aan fadhiyay. Cabsida I hayso iyo garaaca wadnahayga waxaad ka dareemi kartay wajigeyga, waxaan islahaa maanta ayaa kuugu danbeyso nolosha.
Sidi ay ii wadeen, horta gabalki wuu dhacay, xilli aan ku qiyaasay 8ddi fiidnimo ayey i geeyeen buundo dheer dusheeda. Buundada waxaa ka hooseeya god dheer, godka waxaa kasoo gufaacaayay ur aad u xun. Waxaan qiyaasaayay in dad badan oo la dilay lagu tuuray ama iyaga oo nool lagu riday. Nimanki gaarigi ayey si xoog ah iiga soo dajiyeen waxayna isoo istaajiyeen qarka ama geeska buundada iyaga oo iigu hanjabayay in ay i tuurayaan.
Jeebabkeyga ayey baarteen, kabihi ayey iga siibeen. Wax lacag ah ma haysanin lakin waan jeclaan lahaa habeenkaas in aan haysto malaayiin Rand (Rand waa lacagta South Africa) si aan naftayda ugu badesho. Waxay jeebkayga kala baxeen kaarki bankiga.
Midbaa iigu darnaa oo mar waliba qoriga dhafoorka iga saaraayay, midna wuxuu u muuqday in uu yara deganyahay oo wuxuu iga celinaayay kan idili rabay. Luuqadda Zuuluga oo ay kuwada hadlayeen waan yara garanaayay, waan dilaynaa iyo aan iska dayno ayey ku murmaayeen. Labo ayaa isku raacday in la idilo. Waan qayliyey aniga oo leh iska key daayaa carruur badan ayaan leeyahaye.
Mid ayaa igu soo orday oo ituuray. Wey iga tageen iyaga oo moodo in aan meesha ku dhacay lakin waxaan qabsaday darbigi. Waxaan isku dayay in aan kasoo baxo meesha waxayna igu qaadatay ku dhawaad saacad. Waxaan bannaanka imid aniga oo ka murxay lugaha iyo gacmaha waaana soo lugeeyey ilaa aan ka imid xaafaddaydi.
La soco qeybaha danbe
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at