XOG Cusub: Dowlad uu dhawaan xumeeyay Xassan Sheekh oo gacan ka geysatay QARAXYADII ugu danbeeyay ee Muqdisho (Sawirro)

XOG Cusub: Dowlad uu dhawaan xumeeyay Xassan Sheekh oo gacan ka geysatay QARAXYADII ugu danbeeyay ee Muqdisho (Sawirro)

daajis.com:- Xogo hoose oo aan la wadaagnay ilo ku dhow dhow Madaxda ugu sareysa dalka ayaa xaqiijiyay in Qaraxyadii ugu danbeeyay ee lagu weeraray Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho uusan aheyn mid abaabulkeeda ay lahaayen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xogtaani ayaa tibaaxeysa in Qaraxyadii laga soo buuxiyay gaarigii weynaa ee ku qarxay afafka hore ee Hoteel SYL ay ku jireen sunta Lug-leerka taasi oo la sheegay in Dowlada Iraan ay ku tabarucday maleeshiyada Al-shabaab, balse Kooxda Al-shabaab ay laheyd kaliya fulinta weerarkaasi.

Xogtaani oo aan la wadaagnay Xubno ka tirsan labada Gole ee DFS kana mid ah gudiyo uu Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar si hoose ay ugu xilsaaren baaritaankooda ayaa inoo sheegay in qaraxyadii lagu soo xiray gaariga weyn %80 uu ahaa mid laga soo buuxiyay Sunta Lug-leerka taasi oo si rasmi ah loo xaqiijiyay in Somalia ay soo galisay Dowlada Iraan, iyadoo fulinteeda ay u adeegsatay maleeshiyada Al-shabaab islamarkaana ku bixisay dhaqaale farabadan.

Dowlada Iraan ayaa dagaal dadban kula jirta Dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in qoraalo ay dhowr jeer sii horeysay baahiyeen wakaaladaha oo xiganaaya Sirdoonka Mareykanka iyo Britain ay sheegen in Dowlada Iraan ay kaalin ka qaadaneyso dhibta ka aloolsan Somalia.

Labadii Qarax ee SYL kadib waxa uu Wasiirka amniga Gudaha Somalia C/risaaq Cumar qiray in Qaraxyadaasi aysan wali ka dhicin dalka Somalia, islamarkaana tankiisu ahaa mid culus.

Geesta kale, Beesha Caalamka ayaa iminka Dowlada Federaalka ah ee Somalia hordhigtay su’aal ah sababta ay Dowlada Somalia ku ogaan’weysay qaabka Suntaasi lagu soo galshay dalka Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada