Wasiirka Gaashaandhigga oo Gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga oo Gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

daajis.com:- Wasiirka gaashaandhigga ee Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ay weheliyaan xidhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.


Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu ka qeyb galayo Shir ka socda magaalada Kismaayo oo lagu heshiisiinayo qaar kamid ah Beelaha wada daga Goboladda Jubbooyinka.

Dhanka kale meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo la yiraado Baar-caleen ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo dhulka lagu sii aasay, waxaana ku dhaawacmay sida la soo warinayo ilaa 4 qof oo Shacab ah.

Ciidamada Ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa gaaray Goobtaasi,waxaana ay ka sameeyeen Baaritaano inkastoo aysan cidna u soo qaban qaraxii maanta dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada