daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State of Somalia, mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa ka soo horjeestay heshiiskii ay dhawaan Garoowe ku kala Saxiixdeen dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, isagoo ku tilmaamay heshiiskaasi shirqool ahaa oo aanay iyagu quseyn.
Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in Heshiiska Garoowe ay wada saxiixdeen rag isku dhow oo ilmo adeer ah, isla markaana aanu aheyn wax u cuntamaya umadda reer Khaatumo.
Wuxuuna yiri “Shirka Garoowe ee labadan nin marna ilama adeerka ah, marna isku seediga ah, heshiiska ay saxiixdeen wax na quseeyo ma ahan, waxay u soo ban-baxeen waa inay umaddan qadiyadeeda ay dalaalaan, ayna yihiin cadawga umaddan, heshiiskaas ma ahan wax anaga na anfaca oo umadda reer Sool, Sanaag iyo Cayn quseeya”.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in marar badan dowladda Federaalka ay kor iyo hoos ula hadleen, una dan-sheegteen, waaxna ka qaban waayeen cabashada dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn.
Maamulka Khaatumo State oo aan wali helin wax aqoonsi ah, ayaa deegaanada uu ka taliyo ay yihiin kuwo ay isku heystaan Maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana uu horay u wajahayay caqabado labada dhinac uga imaanayay, iyadoo siyaasiyiinta ka soo kala jeeda goboladaas ay xilal ka kala hayaan maamullada Somaliland iyo kan Puntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at