Ciidamada DF oo al-shabaab kala wareegay Galcad

Ciidamada DF oo al-shabaab kala wareegay Galcad

daajis.com:- Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa si nabad-gelyo ah ula wareegay deegaanka Galcad oo ay hore gacanta ugu hayeen maleeshiyada al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Guutaale ayaa VOA u xaqiijiyay in wax iska horimaad ah uusan halkaasi ka dhicin, kadib markii ciidamada dawladda ay xog ku heleen in maleeshiyada al- Shahaab ay isaga huleeleen deegaankaas.

Ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopiaayaa hawl-galo ka dhan ah al-Shabaab waxay ka wadeen bariga Gobolka Galgaduud, gaar ahaan inta u dhaxeysa degmooyinka Ceeldheer iyo Ceelbuur.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa ciidamada dawladda oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia, waxa ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deeganka Bud-Bud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada