Daawo: - Tababar Muqdisho loogu soo xiray Ciidamo Boolis ah

Daawo: - Tababar Muqdisho loogu soo xiray Ciidamo Boolis ah

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo magaalada Muqdisho uga qeybgalaayay munaasabad Tababar loogu soo xiraayay Ciidamo ka tirsan Booliska oo tababarkooda dhameystay.

Jen. Maxamed Sheekh Xasan, ayaa halkaasi ka sheegay inuu jeclaan lahaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhamaaneysa badaha ay kusoo biiraan Ciidamada Booliska, waxa uuna ku baaqay in dhalinyaradaasi Tahriibka ah ay kusoo biiraan Booliska.

Waxa uu munaasabada ka sheegay inuu ogyahay in inta badan dhalinyarada Tahriibeysa ay ku jiraan kuwo ka baxay Iskuulo iyo Jaamacado, sidaa aawgeed ay wanaagsanaan laheyd inay kusoo biiraan Booliska, si ay u difaacaan dalkooda.

Sidoo kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Ciidamada Tababarka dhameystay ugu baaqay inaysan dhigin mas’uuliyadii saarneyd waxa uuna ku baaqay in har iyo habeen loo soo jeedo ka difaacida dalka waxa uu ugu yeeray Cadowga dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada