daajis.com:- Ciidamo si gaar ah u tababaran kana tirsan Hay’ada Nabadsugida, ayaa howl gal xalay ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ku soo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo illaa shan ruux.
Howl galkan oo socday tan iyo xalay ayaa ciidamada waxay mid mid u baarayeen guryaha ku yaala xaafada Ciise Cabdi oo ah halka gaariga waxyaabaha qarxa siday lagu qabtay.
C/fataax Cumar Xalane, afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay ku guuleysteen inay soo qabtaan gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
“Ciidamada NISA waxay mar kale fashiliyeen weerar la doonayay in shacabka lagu waxyeeleeyo, waxaa gacanta ku dhignay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray iyo shan ruux oo la tuhunsan yahay in weeraro qorsheynayeen”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in la daba socday gaariga, warkiisana la hayay, waxaana uu xusay in tan iyo markii Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyay ammaanka wada shaqeynta shacabka iyo maamulka ay sii xoogeysatay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at