daajis.com:- Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay Nin Soomaali Mareykan ah oo doonayay in lacag badan oo lagu soo qariyay Shandad kala dhoofo Garoon diyaaradeed oo kuyaala Dalka Mareykanka.
Ninkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Warsame ayaa katirsanaa Shirkada Xawaalada Midwestern money-transfer company, waxaana ninkan xiliga la qabanayay uu kusii jeeday Magalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in Ninkan Soomaali Mareykanka uu lacagta kusoo qariyay Shandad isaga oo sii dhax galiyay balastik, waxaana lacagaha uu waday ay isugu jireen 100-Dollar, 50-Dollar iyo 20- ,lamana shaacin cadada rasmiga ah ee lacagta ninkan lagu qabtay.
Shirkadaha Xawaaladaha Soomaaliyeed ee kuyaala dalka Mareykanka ayaa la sheegay markii la joojiyay nidaamkii Bangiyada in ay bilaabeen in lacagaha ay qabtaan ay si cadaan ah uga dhoofiyaan dalka Mareykanka kadibna ay geeyaan dalka Imaaraadka Carabta halkaas ay xawaaladaha xarumo waa weyn ay ku leeyihiin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at