Xog dheeraad ah: Adeegihii isku bedelay Wasiir lagu aaminay Hantida Qaranka Somalia (Sawir)

Xog dheeraad ah: Adeegihii isku bedelay Wasiir lagu aaminay Hantida Qaranka Somalia (Sawir)

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa magacaabida Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta xukuumada Somalia, kaasi oo booska kala baxaya Wasiirkii hore.

Wareegtada Wasiirka Cusub ayaa waxaa ka fadhiistay Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaaraha dalka, Jubbaland iyo Ethiopia.

Wasiirkaani ayaa waxaa lagu magacaabaa Geele Jaamac Mursal, waxa uuna muddo dheer ahaa adeege u shaqeyn jiray Gen Gebra oo ah shaqsida Dowlada Ethiopia uga wakiilka ah qaska Somalia.

Geele Jaamac Mursal waxa uu ahaa gacan yaraha gaarka ah ee Gen. Gebra waxa ayna inta badan shaqadiisu ahaan jirtay qaadista Boorsooyinka Gebra isaga oo sidoo kale Gen. Gebra iyo Dowlada Ethiopia ka saacidi jiray dhanka xogaha iyo macluumaadka ku saleysan Siyaasada Somalia.

Geele Jaamac Mursal, ayaa waxaa dhanka kale ka wata Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la sheegay inay qaraabo yihiin.

Geele ayaa ahaa xubin mudooyinkii danbe Jubbaland ugu xil saarnaa arimaha dhanka IGAD intii uu xilka IGAD hayeyna lagu xasuusto in uu si dhaw ula shaqeeyey Saraakiisha Ethiopia ee Hormuudka u yaha Gabre.

Wasiirka cusub ee hada Wareegtada lagu Magacaabay ee Geelle Mursal ayaa bilihii u danbeeyey daganaa Safaarada Ethiopia ee ku taala Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia oo ah meesha qaybta wayn ku leh magacabidiisa, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow dhow.

Dadka qaar ayaa qaba in inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ay yihiin kuwo ay wadato Dowlada Ethiopia, waana tan keentay in Dowlada Somalia ay horumarka ka keeni weyso Siyaasada gudaha iyo Dibadda.

Dhanka kale, Dowlada Ethiopia ayaa labadii sano ee ugu danbeysay culeyska saareysay in Siyaasada Somalia laga maamulo Safaarada ay ku leedahay Somalia iyo Magaaladda Addis ababa, waxaana xusid mudan in DFS aysan talaabo qaadi karin ilaa iyo Ethiopia laga soo marsiiyo talaaadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada