Booliska Dalka Turkiga oo Lagu Weeraray Gaari Laga soo Buuxiyay Walxaha Qarxa (VIDEO)

Booliska Dalka Turkiga oo Lagu Weeraray Gaari Laga soo Buuxiyay Walxaha Qarxa (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa saaka qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa wax uu ka dhacay Magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga, Qaraxani ayaa waxaa ka dhashay Khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray ciidamnkk halkaasi ku sugnaa.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay Banaanka hore ee Xarun Boolis ah oo ku taal magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga, iyadoo dadka ku dhaawacmay qaraxani ay kor u dhaafayaan Toban ruux.

Booliska dalka Turkiga ayaa waxa ay xaqiijiyeen in hal ruux oo ka tirsan ciidamada Booliska uu ku geeriyooday Qaraxaasi.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxani, balse magaalada Gaziantep oo ku dhow soohdinta Turkiga uu la wadaago dalka Suuriya ayaa waxaa la sheegaa inay ku sugan yihiin xubno taabacsan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka ama Daacish, Booliska dalkaasi ayaa waxa ay wadaan baaritaanka ku aadan gaarigaasi qarxay iyo halka uu ka yimid markiisii hore.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada