daajis.com:- Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Jigjiga, heshiiskaasi oo lagu soo afjarayay colaadihii mudooyinkii lasoo dhaafay ku dhex maray soohdinta labada maamul u dhaxeysa.
Madaxda labada maamul ayaa muujiyay sida ay ugu xun yihiin colaadaha kusoo noq noqday soohdinta labada maamul, waxayna ballan qaadeen in ay ka hortegi doonaan wax walba oo abuuri kara khilaaf iyo colaad hor leh.
Wadahadallada labada dhinac ayaa waxaa kaalin ka qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam iyo Masuuliyiin kale oo ka socday dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:14 and have
, Published at