daajis.com:- Nin Cunsuri ah oo loo diiday in uu ku banaanbaxo xaafada Muslimiinta ku badan yihiin ee Molenbeek ee magaalada Brussels ayaa waxa uu soo qaatay gaari cad kaas oo si toos ah u jiirsiiyay gabar ka mid eheed dadka xaafadaas degan ee Muslimiinta ah.
Ninkaan ayaa si xoog ah ku dhaafay ciidamada amaanka oo diiday in la galo xaafada Molenbeek maadaama ay halkaas ku nool yihiin Muslimiin aad u fara badan oo ka kala yimid wadamada Carbaha waxaana ninkii weerarka soo qaaday u suurto gashay in uu jiiro hal ruux oo kaliyah .
Xaafada Molenbeek ee magaalada Brussels waxaa inta badan ku dhashay ama ka soo jeeda dhalinyaradii isku qarxisay magaalooyinka Paris iyo Brussels ee wadamada Faransiiska iyo Belguim-ka , waxeeyna arintaan dhibaato baaxad weyn u soo jiiday waalidiinta ama dadka Islaamka ah ee ku nool xaafadaan oo fikrad ahaan aanan jecleyn ururka falkaas fuliyay ee Daacish .
Hoos Ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at