daajis.com:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa Wilium Ruto, ayaa maalmahan waxa ay socdaal ku marayeen magaalooyin kuyaala gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ee Soomaalidu degto.
Uhuru Kenyatta iyo Wafdiga la socda ayaa socdaalkooda ka bilaabay magaalada Mandheera, waxa ay sidoo kale tageen magaalada Wajaeer ,iyagoona ugu dambeyn sodaalkooda kusoo gabo gabeyn doona magaalada Gaarisa.
Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa markii ay tageen magaalada Wajeer waxaa loo xiray dharka Astaanta u ah dadka Soomaaliyeed sida Macawiis, Shaati,Koofi iyo Go’, waxa ayna Goob barxad ah kula hadleyn dadweyne badan oo kunool magaalada Wajeer.
Uhurru Kenya ayaa socdaalka uu ku marayay Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ugu kuur galayay xaalada ka jira magaalooyinka kuyaala Gobolkaasi, ay dhoor mar ka dhahceen weerar ay geesteen dagaalyaho katirsanAl-Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at