DAAWO:- Wasiirka Amniga oo Maanta Booqday Garoonka Stadium Muqdisho

DAAWO:- Wasiirka Amniga oo Maanta Booqday Garoonka Stadium Muqdisho

daajis.com:- Waxaa maanta garoonka Stadium Muqdisho kormeer gaaban ku tegay wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane, C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehlinayaan, Wasiirka Dhalinyarada & Isboortiga, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Guddiga Ciyaaraha ee Gobolka Banaadir.

Garoonka Istaduim Muqdisho ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay uu saldhig ciidan uu u ahaa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom, tan iyo markii Ururka Al Shabaab si buuxdo looga saaray Magaalada Muqdisho.

Dhinacyadan ayaa waxay maanta soo kormeereen qaybaha uu ka kooban yahay Garoonka Stadium Muqdisho, waxayna Saxaafadda u sheegeen inay dhawaan ciidamada Amisom ka bixi doonaan garoonka, si dib u dhis loogu sameeyo.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow ayaa aad u bogaadiyay in isaga iyo Wasiirada amniga ay booqasho ku yimaadaan Garoonka Stadium Muqdisho.
Wasiirka Dhalinyarada & isboortiga C/laahi Xasan ayaa waxa uu ganacsatada Soopmaaliyeed uu ugu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan Garoonka Stadium Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada