Dumarka Soomaaliyeed iyo Cabidda Shiishadda oo Noqotay Lifestyle (VIDEO)

Dumarka Soomaaliyeed iyo Cabidda Shiishadda oo Noqotay Lifestyle (VIDEO)

daajis.com:- Sanadihii u danbeeyay ayaa haweenka soomaaliyeed siiba kuwa ku nool qurbaha ay barteen dhaqamo laga soo gaaray carbaha oo ah cabitaanka Shiishadda, oo ay ku sheegaan  kuwa caba  inay tahay mid iska caadi ah oo aan wax dhib ah lahayn, iyagoo aan is weydiin dhibaatada dhabta ah ee ay leedahay Shiishaddu.

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey isla markaana lagu daabacay shabakad ka faaloota arimaha caafimaadka ee lagu magacaabo (Life Science) ayaa lagu xaqiijiyey in biyaha ku jira badeecada la nuugaa leeyihiin waxyeelo lamid ah (NICOTINE) tan sigaarku uu leeyahay oo kale, isla markaana qiiqa shiishadda ay ku jiraan badeecado la sheegay in laga qaadi karo cuduro uu ka mid yahay kansarka.

Cilmibnaare u dhashay wadanka Mareykanka oo u xilsaaran culuunta ku aadan dabagalka cudurka kansarka, kana tirsan urur lagu magacaabo The Center Of Wake Forest Baptist Medical Warren Sutphin ayaa sheegay in da’yar fara badani ay ka qabaan fikir qaldan waxyeelada badeecada Shiishaddu, iyaga oo sheegay in ay ka waxyeelo yar tahay sigaarka arintaasna ay tahay mid si qalad ah loo fahmay.
Cilmi baarahan ayaa sheegay in Shiishadda run ahaantii ay aad uga xuntahay sigaarka la cabo, ayna ku jiraan aalado badan oo aan u wanaagsanayn Sanbabadda qofka bini aadamka, cuduradda badanaa laga qaadana ay ka mid yihiin kansarka ku dhaca sanbabadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada