Erayadaan Lamantaada Waa Ay Kaaga Carareysaa Ee Ninyahoow Ka Fogoow.

Erayadaan Lamantaada Waa Ay Kaaga Carareysaa Ee Ninyahoow Ka Fogoow.

Qilaafaadka labada lamaane ayaa ah caafimaad xoojinaya xariirka iyo is fahanka , balse waxaa ninyahoow kuula gudboon in aad erayadaan ka fogaato marka dooda idin dhaxeyso adiga iyo lamaantaada.
Hooyadaa: in qaab qaldan wax loga sheego hooyadeed ama eray xumaan ah loo adeegsado wax ay haweenka ka neceb yihiin ma jiraan mana cafiyaan waligood , ee ninyahoow aan xariifka aheyn ka fogaaw in beerta miinada ee lagu magacaabo hooyada gasho si aad uga bad baado xanaaqa lamaantaada.
2- Iyada Waxa Ay Aheyd : inta badan ninku waxa uu soo lahaan karaa xariir haween oo ka horeeyay guurkiisa , hadaad ragaas ka mid tahay 2000km ka fogaaw in aad is bar bar dhigto xaaskaada iyo qoftaadii hore , hadii qalad ka dhaco hala soo boodin qofteydii hore iyana sidaan oo kale ayay aheyd , ogaaw haweenka is bar bar dhigid ma aqbalaan .
3- Aniga Nin Rag Ah Ayaan Ahay : duqon yahoow raganimada ma ah kali talisnimo iyo in aad ku tumato ra`yiga xaaskaada balse waa ilaalin iyo ixtiraam , marka dood idin dhex marto xaaskaada iska ilaali nin rag ayaan ahay waayo taas cadeyn uma baahna ee noqo nin garteeda siiya xaaska .
4-Hadaad Sameyn Wayso Waxa Aan Kugu Dhahayo .. Guriga Ayaan Ka Baxayaa : waa midda ugu daran xariirka qoyska , hadaba hadaad ugu goodineyso waan baxayaa side ayay kugu kalsoonaaneysaa .
Erayagaan waxa uu ka dhigayaa in ay kuula nolaato cabsi waliged sidoo kale wax ay u turjumaneysaa in aad raadineyso hab guriga aad uga cararto.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada