Hay’adda UNHCR oo Sheegtay in 700 oo Tahriibeyaal ah Lagu La’yahay Badda (VIDEO)

Hay’adda UNHCR oo Sheegtay in 700 oo Tahriibeyaal ah Lagu La’yahay Badda (VIDEO)

daajis.com:- Dad kor udhaafaya 700 oo Tahriibayaal ah ayaa laga walwal qabaa inay ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub, sida laga soo xigtay hay’adda UNHCR

Afhayeenka hay’adda UNHCR Carlotta Sami oo arrintan faahfaahisay ayaa sheegtay in qiyaastii 100 qof la laayahay kuwaas oo saarnaa doon degtay arbacadii.

Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa muuqaal naxdin leh ka duubay doontaasi xiligii ay degaysay inkasta oo ay u gurmadeen ciidamada iyo doonyaha kale ee goobtaasi ka dhawaa.
UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 550 muhaajiriin ah la badbaadiyay kuwaasi oo iyaguna saarnaa doon degtay Khamiistii iyada oo ka soo baxday magaalada Sabarta ee dalka Liibiya maalin ka hor.

Booliska talyaaniga ayaa ka waraystay sida ay wax u dhaceen khamiistii dadkii soo badbaaday, kuwaasi oo tirooyin kala duwan sheegay, waxaana muuqata in tirade dhabta ah ee doontaasi saarnaa aan la xaqiijin Karin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada