daajis.com:- Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu xalay uu afurin u sameeyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania, Isselkou Ould Ahmed Izid Bih.
Afurintan, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Safiirada Wadamada islaamka u fadhiya Somaliya, waxayna ka qabsoomtay Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia.
Sidoo kale xubno ka kala tirsan labada gole ee Dowladda Somaliya, ayaa lagu soo casuumay, iyadoo Madaxweynaha Somaliya uu dhinacyadan kaga waramay marxaladda dalka uu marayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay Somaliya sanadihii ugu dambeeyay, iminkana diyaargarow loogu jiro in doorashooyin guud ka qabsooman dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have




