Daawo Sawirada” Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugida Sh/Dhaxe oo la hor geeyay Meydka Marxuunkii uu dilay dushiisa

Daawo Sawirada” Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugida Sh/Dhaxe oo la hor geeyay Meydka Marxuunkii uu dilay dushiisa

daajis.com:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka howl gala magaalada Jowhar ayaa maanta gacanta kusoo dhigay ninkii ka dambeeyay dilka Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee gobolka Shabeelaha Dhaxe,

Ninka dilka ka dambeeyay oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Madoobe , ayaa maanta lagu soo bandhigay qabuurihii lagu aasayay Marxuun Cabdiweli Ibraahim Maxamed , waxana halkaasi kusugnaa Madaxda maamulka Gobolka Sh.dhaxe iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil.


Gacan ku dhiiglaha ayaa wajigiisa ka muuqatay dareen cabsi leh kadib markii lasoo horjoojiyay meydka marxuunkii la dilay,  isagoona diif iyo rafaad ay ka muqatay, waxaana markii dambe ninkaasi loo kaxeeyay xabsi kuyaala magaalada Jowhar halkaas oo su’aalo lagu weediinayo.

Maamulka iyo dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa si weyn usoo dhaweeyay soo qabashada ninkan xalay si bareer ah mamagaalada Jowhar ugu geestay Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida gobolka Sh/Dhaxe .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada