daajis.com:- Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xalay tijaabisay labo gantaal oo hor leh, iyadoo jebisay xayiraadihii ay horey qaramada midoobey ugu soo rogtay dalkaasi.
Xogta ay faafisay Kuuriyada-Koonfureed ayaa sheegaya in gantaaladaasi xalay lariday loo maleynayo in ay yihiin kuwa riddada dheer. tijaabintoodana ay kala dambeysay muddo labo saacadood ah oo kaliya.
Kuuriyada Koonfureed oo si taxaderleh ula socota dhaq dhaqaaqyada ka socda dalka ay deriska yihiin ee Kuuriyada waqooyi ayaa mar sii horeysay sheegtay in tijaabada gantaalkii ugu horreeyay lagu fashilmay.
Ra’iisalwasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa cambaareeyay tijaabada gantaaladaasi, wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan loo dul qaadan karin.
Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaan kala jeclayn Xayiraadaha caalamiga ah ee dalkaasi saaran, waxayna goor aan sii fogayn tijaabisay hubkeeda niyuukleerka iyo gantaalada riddada dheer.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at