Muuqaal: Shirkii Madasha ee ka Furmay Baydhaba iyo Sida ay wax uga dhaceen

Muuqaal: Shirkii Madasha ee ka Furmay Baydhaba iyo Sida ay wax uga dhaceen

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxyaabaha Shirka looga doodayo ayaa waxaa kamid ah “Doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada iyo xikmadda ka dambeysa dhismaha Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ay tahay in la helo nidaam la isla wada oggol yahay, isla markaana aan gadaal looga laaban hawlaha dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya.


Waxaa sidoo kale shirka hadalo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda Maamul goboleedyada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada