daajis.com:- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu qaraxyo iyo rasaas xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Ataturk Air Port ee magaalada Istanbul, iyadoo weerarkan ay ka dambeeyeen illaa saddex ruux oo mid ka mid ah uu ku hubeysnaa qori Ak47.
Baarayaasha Turkiga ayaa sheegaya in illaa saddex qarax ay ka dhaceen garoonka, iyadoo labo ka mid ah ay ka dhaceen qeybta laga galo Terminalka caalamiga ee garoonka, waxaana la sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen labo ka mid ah kooxaha hubeysan oo damacsanaa inay ka gudbaan qeybta baaritaanka la maro ee Scan-ka.
Ciidamada iyo qof dabley ku hubeysnaa Ak47 ayaa is weydaarsaday rasaas, iyadoo markii dambe ninka dableyda ay rasaas lugta uga dhacday, kadibna waa uu is qarxiyay, waxaana la rumaysan yahay in Dableyda weerartay garoonka inay ku yimaadeen Taksi.
Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa isa soo taraya, saraakiisha caafimaadka Turkiga ay sheegaya in illaa 36 ruux ay ku dhimatay weerarka, Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay illaa 150 kale, weerarkan ayaa noqonaya kii u horeyay ee lagu qaado garoonka diyaaradaha Istanbul.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:08 and have
