daajis.com:- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Weerar dhiig badan ku daatay, Kaasi oo galaaftay dad shacab ah oo Soomaanaa, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Yuusuf Garaad Cumar oo ka hadlay weerarka ayaa wuxuu Qoraalkiisa ku bilaabay.
“Magaalada Muqdisho ayaa Dad Soomaali ah oo Muslimiin ah, oo soomman waxaa dilay lana dhintay dad kale oo aan iyaga aqoon, iyaguna aanay aqoon, wax dhex marayna aanay jirin.
Dadka lagu dilay qaraxyada iyo rasaasta daba socotay ee ka dhacday Number 4 waxaa ka mid ah dad waddada hareeraheeda ku haystay ganacsi iyo qaar badan oo waddada marayay, Dadka ku dhintay waxaa la ii sheegay in ay ka mid tahay hooyo dhashay tobaneeyo carruur ah oo halkaa faa’iidada ganacsigeeda ku korin jirtay”. Ayuu Qoraalka ku yidhi Yuusuf Garaad.
Axmed macalin Fiqi oo booqday Cawaa Hotolka ayaa wuxuu yidhi “Waxaan caawey booqdey hotelkii maanta qaraxa lala beegsadey, waxaana halkaas ka dhacey weerar bahalnimo ah oo aan indhaha la siin karin dhibka gaaray dadkii shacabka ahaa ee wadadaas isticmaalayey, xubno jirka bani’aadamka oo googo’an, dad wada gubtey iyo kuwa bas beelay, waa fal aan bani”aadamnimada, Soomaalinimada iyo islaamnida midna aan qiil looga heleyn”.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:45 and have
, Published at