DHEGAYSO: Maraykanka iyo Kenya oo Diyaarad ku qaatay Col. Barre Hiiraale

DHEGAYSO: Maraykanka iyo Kenya oo Diyaarad ku qaatay Col. Barre Hiiraale

daajis.com:- Safaarada dowladda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa waxaa kulan ku yeeshay saraakiil ka socota dalka Mareykanka iyo Siyaasiga Bare Aadan Shire Bare Hiiraale oo ka mid ah siyaaasiyiinta kasoo jeeda Jubbooyinka kaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay khilaaf uu kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

Bare Hiiraale ayaa diyaarad gaar ah ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, Wuxuuna kulamo la qaadanayaa Mas’uuliyiin ka socota Mareykanka iyo Kenya, waxayna Arintaan kusoo beegmaysaa Xili mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamo uu hogaamiyo Bare Hiiraale uu khilaaf ka taagnaa, waxaana hada ciidamadaas gacanta ku haya ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in kulanka Nairobi looga hadli doono khilaafka Bare Hiiraale iyo Jubbaland iyo sidoo kale arimaha ciidamada Bare Hiiraale ee ku xareysan Kismaayo, C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah ciidanka Bare Hiiraale uu hogaamiyo ayaa ka Warbixiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada