daajis.com:- Diyaarad laga leeyahay dalka Singapore ayaa waxaa maanta hawada sare ku qabsaday dab aad u xoogan, dabkani ayaa lasheegay in loo malaynayo inuu ka dhashay shidaal ka soo fakaday matoorka midig ee diyaaradda.
Diyaaradani ayaa la sheegay inay tahay nooca Boeing 777-300ER kuna soo jeeday magaalda Milaano ee dalka Talyaaniga, diyaradani ayaa waxa ay ciladu qabatay iyada oo qadar daqii qado hawada ku jirta waxayna dib ugu soo laabatay gariinkii ay ka duushay ee Changi Airport.
Rakaabkii diyaaradani saarnaa ayaa waxaa la soo sheegay inay ahaayeen dad gaaraya ilaa 224 qof, dadkani ayaa la sheegay inay gabi ahaantoodii ka bad badeen dabkii diyaaradda ka dhashay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at