Tukiga iyo Israel oo ka Heshiiyay Qilaaf 6-sano soo Jiitamayay (VIDEO)

Tukiga iyo Israel oo ka Heshiiyay Qilaaf 6-sano soo Jiitamayay (VIDEO)

daajis.com:- Dalalka Israel iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqey in ay soo afjarayaan khilaafkoodi bilowdey 6 sano ka hor, kadib markii Israel ay weerar ku qaadey markab mucaawano u sidey marinka Qasa oo ka yimid dalka Turkiga.

Wada hadalka heshiiska ayaa ka bilowdey maalintii Axadda magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaana lagu heshiiyey in si buuxda loo soo celiyo Safaraadahii labada dal.

Heshiiska ayaa dhigaya in Israel ka bixiso mag dhaw gaareysa 20 milyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo qoysaskii dadku uga dhinteen Markabkii Mavi Marmama sanadkii 2010, Halka Israel ay heleyso qandaraasyo ay gaaska dabiiciga ugu gudbineyso suuqyada dalka Turkiga.

Sidoo kale waxaa heshiiska ka mid ah in Turkiga deeq bini aadanimo gaarsin karo marinka Qasa oo ay Xamaas ka taliso.

Labada dal ayaa xiriirkoodu wanaagsanaa ka hor sanadkii 2010, markaas oo Israel ay cunno qabateyn ba’an ku soo rogtey marinka Qasa, Waxaana ciidamada Yuhudu ay dileen 9 kamid ah dadkii Turkiga ahaa ee saarnaa Markabka mucaawanada u wadey marinka Qasa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada