Duugta Maxamed Cali Kalaay oo bilaabatay

Duugta Maxamed Cali Kalaay oo bilaabatay

daajis.com:- Waxaa magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ka bilaabatay maanta oo Jimco ah munaasabadda duuqga ee feeryahankii caanka ah Maxamed Cali Clay.


Marxuumka oo muslim ahaa ayaa waxaa ay duugtiisu u dhaceysaa qaabka Islmaaka, waxaana ka qeyb galaya munaasabadda madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, kan Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo boqorka dalka Jordan boqor Abdullah II.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isagu ka cudur-daartay ka qeyb galka munaasabaddaasi sababo la xiriira gabar uu dhalay oo iskuul ka qalanjabineysa, laakiin waxa uu soo diray oo goobta laga akhrin doonaa warqad uu gacantiisa ku qoray.

Sidoo kale munaasabadda oo ka dhaceysa garoonka kumannanka kun qaada ee magaalada Louisville ayaa la filayaa in ay soo xaadiraan in ka badan 18-kun oo dad ah.

Kaddib munaasabadda marxuum Maxammed Cali ayaa loo qaadi doonaa gurigiisa dhabta ah, isagoona lagu wareejin doona qeybo ka mid ah magaalada.
Naxashka marxuumka ayaa waxaa qaadi doona aktarka caanka ah Will Smith iyo feeryahanka Lennox Lewis.

Maxamed Cali ayaa ku geeriyooday dad`da 74, waxaana uu mudo 32- sano ah la xanuunsanayay cudurka maskaxda baabi`ya ee laleemada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada