Gudoomiyihii Hore ee G/Bari iyo Ciidamo uu Hogaaminayo oo ku soo Fool leh Magaalada Garoowe (VIDEO)

Gudoomiyihii Hore ee G/Bari iyo Ciidamo uu Hogaaminayo oo ku soo Fool leh Magaalada Garoowe (VIDEO)

daajis.com:- C/samad Maxamed Galan oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Bari, iyadoo uu wato ciidan aad u hubeysan oo ay wehlinayaan gawaarida gaashaaman.

C/samad Galan ayaa horay uga gadooday maamulka Puntland, isagoo ku hanjabay inuu xilka ka tuurayo Madaxweyne C/wali Gaas, waxaana la sheegay in muddo ah uu ciidamo ku uruursanayay deegaanada Isku-Shuban, Badar Beyla iyo deegaano kale.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada uu hogaaminayo ay gaarayaan illaa 300-400, kuwaasoo aad u hubeysan, waxaana saaka la wareegeen degmada Carmo, Kalbayr iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso.

C/samad Galan ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gala gudaha maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inuu dhisi doono Puntland cusub oo cadaalad ku dhisan, waxaana uu sheegay in dadka Puntland uu ka xoreyn doono Maamulka C/wali Gaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah iyo abaabulka uu wado Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada