Layaab:- Madaxweynaha Equatorial Guinea oo wiilkiisa ka dhigay Madaxweyne Kuxigeen

Layaab:- Madaxweynaha Equatorial Guinea oo wiilkiisa ka dhigay Madaxweyne Kuxigeen

daajis.com:- Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang’ Nguema oo ah Madaxweynaha ugu xukunka dheer Afrika ayaa wiilkiisa oo lagu magacaabo Teodorin’ Obiang’ Mangue u magacaabay xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Sida ay xaqiijisay Warbaahinta maxaliga ee Equatorial Guinea Madaxweyne Teodoro Nguema oo 37 sano  xukumayay dalkaas ayaa doonaya inuu awooda si fudud ugu wareejiyo wiilkiisa.

Madaxweynaha ugu cimriga dheer ayaa sanadkan ku guuleystay doorashadii dhacday, isagoo helay 93.7, isagoo markii lixaad dib loo doortay, hase ahaatee doorashadaas ayaa waxaa shaki badan geliyay Beesha Caalamka.

Waxaa lagu eedeeyay inuu akoonkiisa gaarka ah ku shubto lacago, isla markaana uu la goosto canshuuraha warshadaha.

Sanadkii 1979 ayuu xukunka kala wareegay adeerkiisa oo uu afgambiyay, isagoo markii dambe xukun toogasho ah uu ku fuliyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada