MUUQAAL: Horn Cable Tv oo laga saaray Satelite-ka kadib markuu sheegay inay Itoobiya Xasuuq gaysatay

MUUQAAL: Horn Cable Tv oo laga saaray Satelite-ka kadib markuu sheegay inay Itoobiya Xasuuq gaysatay

daajis.com:- Telefishinka Horn Cable ee xaruntiisa tahay magaalada Hargeysa ayaa maalintii saddexaad ka maqan Satelite-ka Thaicom 5 oo ah Satelite ay ka soo galaan dhamaan Telefishinada ku hadla Afka Soomaaliga, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka hawada looga saaray.

Xiriiro aan la sameynay Telefishinka Horn Cable ayay inoo suura geli weyday inaan wax ka ogaano sababta rasmiga ah ee uu Telefishinku uga maqan yahay Satelite Thaicom, kaasoo sahli jiray in laga daawo meelo badan oo Caalamka ka mid ah.

Telefishinka Horn Cable ayaa hada gudaha Hargeysa laga daawanayaa, waxaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa iyo meelaha Soomaalida degto sababaha uu uga maqan yahay qeybta satelite-ka ee Thaicom.


Waxaa la isla dhex marayaa sababaha uu Telefishinka Horn Cable uga maqan yahay Satelite-ka Thaicom 5 ay tahay mid la xiriirto dagaalkii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan Gaashaamo, halkaasoo todobaadyo ka hor lagu laayay dad fara badan, kadib dagaalo dhex maray dadka deegaanka iyo Ciidanka Liyuu Boolis.

Ilo wareedyo ku sugan Hargeysa ayaa xaqiijinaya in sababaha hawada looga saaray Horn Cable Tv qeybta Sateliteka Thaicom 5 iyo dagaalka Gaashaamo ay tahay mid isku ujeedo ah.

Satelite-ka Thaicom 5 oo laga leeyahay dalka Thailand ayaa waxaa soo kireysatay Shirkad lagu magacaabo RR Media oo laga leeyahay Israel, isla markaana xarunteedu tahay magaalada Tel Aviv.
Dad xog xogaal ah oo ku sugan Hargeysa oo magacooda codsatay inaan la baahin ayaa  sheegay in dowladda Itoobiya ay ka dambeyso in Telefishinka Horn Cable laga saaro qeybta Satelite-ka Thaicom 5, maadaama xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Israel.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada