daajis.com:- Wararka inagga soo gaaraya Caasimadda Dalka Bangaladhesh ee Dhaka ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka uu dalkaasi ka socdo afduub loo gaystay dad reergalbeed ah iyo ajaanib kale oo ku jiray baar laga cunteeyo.
Weerarkan ayaa sida la sheegay lagu qaaday xaafada Gulshan oo ay ku yaalaan badanaa Safaaradaha reer galbeedka isla markaana ay degen yihiin dadka diblumaasiyiinta ah.
Illaa iyo hada khasaaraha lama oga, waxayna Booliisku sheegayaan inuu weli socdo afduubkani, maleeshiyaad hubeysan oo aan tiradooda la xaqiijin inay ku sugan yihiin gudaha maqaayadaasi.
Goobta uu iska horimaadka ka socdo ayaa la sheegay inay tahay makhaayad caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka ajaanibta ah iyo dadka maal qabeenada ah oo ku nool magaaladaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have
