daajis.com:- Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (TARSAN) ayaa wuxuu ugu horayn Hanbalyada Munaasibada Ciida u diray Shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna ka hadlay Dadka Soomaaliyeed ee Dheregsan Xili in badan oo kamid ah ay hoostooda Gaajo la Jiifaan, Wuxuuna Tusaale u soo qaatay maalintii dhowayd ee Roobku ka da’ay magaalada Muqdisho oo Isagu uu ku Raaxaysanayey Gurigiisa, Halka Barakacaayaashu ay Naftooda iyo Caruurtooda badbaadin ugu Jireen.
Dhinaca kale wuxuu si kulul ugu Jawaabay Madaxwaynaha Soomaaliya oo uu sheegay inuu Siyaasiyiinta Dhaliila Dawlada Ku sheegay inay yihiin Cadowga labaad ee ku Xiga Al-shabaab, Wuxuuna ka hadlay Arimo kale oo Xasasi ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:03 and have
