Yoweri Museveni oo Sharaxay Sabatii ay u Shaaciyeen in 2017 ay ka Baxayaan Soomaaliya (VIDEO)

Yoweri Museveni oo Sharaxay Sabatii ay u Shaaciyeen in 2017 ay ka Baxayaan Soomaaliya (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ka noqday in ciidamada dalkiisa ay ka baxayaan Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017-ka, wuxuuna hadalkiisii hore ee ka bixitaanka dalka soomaaliya ku macneeyay in lagu qasbay in uu u cago jugleeyo wadamada deeqd bixiyeyaasha ah, ee aan ku guulaysan inay dhisaan ama ka cago jiidaya inay dhisaan ciidan qaran oo Soomaaliyeed.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in hada laga aqbalay in la dhisayo ciidan qaran oo Soomaaliyeed, sababtaasna ay keentay in ay ka noqdaan hadlkoodii hore oo ahaa in 2017-ka ay ciidamadooda kala baxayaan dalka Soomaaliya.


Hadaba hadaladan ayaa ah kuwo is burinaya, maadaama wargaysyada qaar ay qoreen in cago-jugleynta Museveni ay bilaabatay kadib markii ciidamadiisa laga goostay boqolkiiba labaatan (20%) lacagihii la siin jiray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada