daajis.com:- Xaalada maagalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Gaar ahaan Dhinaca Waqooyi ee Puntland ayaa mudooyinkii udanbeeyay Faraha ka baxday, Waxaana lagu dilay Masuuliyiin, Ganasato iyo Xubno caan ka ahaa Bulshada dhexdeeda.
Shacabka magaalada ayaa si wayn uga qayliyey Xaalada ay gashay magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen in maamulkii Amniga Sugayey uu Qirtay inuu Fashilmay, Sidoo kalana waxay sheegeen inay Xaalada Amni Daro ee magaalada sabab u tahay Labada maamul ee isku haysta, Sida ay sheegeen.
Dhinaca kale Masuul ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadlay xaalada adag ee magaalada Gaalkacyo ay gashay, Ayaa wuxuu sheegay “Masjidkii waan ka baqaa, Kuma Tukado, Dadka ma qaado, Qofkasta Naftayda ayaan uga baqaa” Ayuu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:21 and have
