daajis.com:- Jaamacada Carabtu waxay canbaaraynaysaa kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Israel Binjamin Netenyahu, Ayuu lagu yiri warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta ururkaas ee Qaahira.
“Waxaanu ka xunahay in xubin ka mid ah ururka ay xiriir la samaysato Israel oo ah maamul duudsiyey xuquuqdii asaasiga ahayd ee reer Falastiin. Talaabada uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliyana waa mid na cajab gelisay” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Jaamacada Carabtu waxay u aragtaa kulankasta oo noocan oo kale ah mid lagu dhaawacayo midnimada ururka isla markaana lagu dhiirigelinayo gabood falka Israel ka wado dhulka reer Falastiin.
“Mudo badan ayey Israeliyiintu isku deyeyeen inay kala furfuraan ururuka si ay dhexdiisa ugu yeeshaan saaxiibo ka qariya indhaha shucuubta carbeed gabood faladooda” Ayuu lagu yiri qoraalka.
Jaamacada Carabtu waxay aqoonsantahay marxalada adag ee Soomaaliya ku jirto iyo sida Dowladu u doonayso saaxiibo caalami ah oo gacan ka siiya dib u dhiska dalka, Balse waxaanu aaminsanahay in aan boos uga banaaneyn arrimaha Soomaaliya maamulka Israel, Ayuu lagu sii xusay warsaxaafadeedka.
“Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Ahmed Aboul Gheit wuxuu taleefan u diray Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud si uu ula wadaago walaaca ururka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii uu jiho khaldan u weeciyo siyaasada arrimaha dibada Soomaaliya” Sida lagu sheegay qoraalka.
Wargayska ugu weyn dalka Israel, Times of Israel ayaa shalay xaqiijiyey inay kulmeen Madaxweyne Xasan iyo Raysal Wasaare Netenyahu taas oo dad badan ku noqotay lama filaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at