MUUQAAL: Madaxweynaha oo jeediyay khudbad u muuqatay tii ugu dambeysay Ka hor Doorashada soo socota (Daawo)

MUUQAAL: Madaxweynaha oo jeediyay khudbad u muuqatay tii ugu dambeysay Ka hor Doorashada soo socota (Daawo)

daajis.com:-   Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo ahna Musharax mar kale u taagan xilka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Telefishinka Qaranka ee SNTV, isagoo kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashada soo socota iyo waxqabadka dowladdiisa mudadii afarta sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu marayo marxalad adag, oo ah safarka dheer ee loo galayo dhismaha hey’adaha dowladda, sugida amniga, dhaqaalaha, soo celinta xiriirka caalamiga iyo arrimo ah, Wuxuuna Xusay in Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM iyo saaxibo caalami ah ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalka Maamul goboleedyada kula jiraan Al-Shabaab, isagoo xusay in maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ay ka hor-tageen isku day Al-Shabaab ku doonayeen inay ku khal-khal geliyaan deegaanadooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada