Muuqaalkii ugu Horeeyay ee Laga Duubay Xaruntii uu Qaraxa ka Dhacay ee CID-da (VIDEO)

Muuqaalkii ugu Horeeyay ee Laga Duubay Xaruntii uu Qaraxa ka Dhacay ee CID-da (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa maanta weeraro isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ahaa, lagu qaaday Xarunta Dambi baarista ee CID, waxaana weerarkan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jiro mid naf iyo maalba leh.

Weerarka ayaa ku bilowday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kuwaas oo qaraxyadoodu qadar daqiiqado ah uu u dhaxeeyeen lagu dhuftay albaabka laga galo xarunta CID, waxaana qaraxyadaasi kadib gudaha xaruntaasi galay rag hubeesan oo katirsanaa Ururka Al-Shabaab.


Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay dad gaaray 10-qof oo u badnaa dad shacab ah oo marayay afaafka hore ee xarunta CID, dadka dhintay ayaana saarnaa mooto bajaaj iyo gaadiidka dadweynaha, oo nasiib daro halkaasi marayay.

Waxaa sidoo kale weerarkan, ku dhaawacmay dad ka badan 10-qof kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, dadka dhaawacmay ayaa ku jira kuwa xaaladooda ay liidato sida saraakiisha caafimaadka ay sheegeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay masuuliyada weerarkani ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday xarunta CID, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen saraakiil iyo ciidamo kale oo katirsanaa Dowlada Federaalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada