Waxaa loo sheegay ineey soo xirayaan nin argagixiso ah oo muhiim ah

Waxaa loo sheegay ineey soo xirayaan nin argagixiso ah oo muhiim ah

daajis.com:- Sida uu daabacay Skynews, ciidamadii inqilaabka ee loo diray ineey soo xiraan ama soo dilaan Madaxweyne Erdogan, waxaa loo sheegay ineey soo xirayaan nin argagixiso ah oo muhiim u ah Doowlada Turkiga.

Ilowareedyo si aad ah ugu dhow Madaxweyne Erdogan, ayaa wargeyska Skynews u xaqiijiyay arintaan ah in ciidamada lagu amray soo xirayaan ama soo dilayaan nin argagixiso ah.

Ilaa 40 kamid ah ciidamada Inqilaabka ayaa Diyaarad Helicopter ah ka raacay saldhiga Milatari ee Izmir, waxaana lagu amray ineey howlgal gaar ah kasoo fuliyaan Hotel ku yaal magaalada Marmaris ee loo dalxiis tago, halkaasoo uu ku sugnaa Madaxweyne Erdogan.


Qaar kamid ah ciidamadan oo hada la xiray ayaa wakaalada wararka Anadolu u sheegay in intii ay hawada kusii jireen ay ogaadeen in Inqilaab socdo.

Ciidamadan ayaa markii ay gaareen Hotelkii uu kusugnaa Madaxweyne Erdogan, waxeey dagaal qaraar la galeen ilaaladiisa, waxaana halkaas ku dhintay 2 kamid ah ilaalada qaaska ah ee Madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan, ayaa TV-ga CNN ee Turkiga u sheegay in hadii 15 daqiiqo uu kusii sugnaan lahaa Hotelka la dili lahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada