Abdiraxmaan Odowaa: Hiiraan 2 Gobol lagama dhigi karo

Abdiraxmaan Odowaa: Hiiraan 2 Gobol lagama dhigi karo

daajis.com:- C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka DF, ayaa ka dhawaajiyay in  dib loo bilaabi doono howlihii maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiir Odawaa oo xalay ka qeyb qaadanayay Barnaamija Bandhiga ee si toos ah uga baxayay Telefishinka qaranka ee SNTV ayaa sheegay in dib loogu laaban doono magaalada Jowhar, si loo ambaqaado shirarkii maamul u sameynta labada Gobol.

“Aniga ma aaminsani inay fashilmeen dadaaladii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sanad kama badna inta ay howlahaas socdaan, September sanadkii hore ayay aheyd markii la saxiixay, wali sanadkeeda ma gaarin, maamulada qaar waxaa laga shaqeynayay labo sano iyo saddex sano”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Mar Wasiirka uu ka hadlayay cabashada reer Hiiraan ee ah in labo gobol laga dhigo, ayuu sheegay in marar badan dowladda ka jawaabtay cabashadaas, isla markaana aanay sameyn karin gobol kale, maadaama Dastuurka uu qabo 18 gobol.

“Dacwooyin iyo cabashooyin ayaa naloo soo gudbiyay oo la yiri dowladda kam jawaabin, runtii waa ka jawaabnay arrinta Hiiraan ee ah in labo gobol laga dhigo, Dastuurka waxaa ku qoran 18 gobol anagana ma sameyn karno Gobol kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada