daajis.com:- Badanaa ardayda ka baxda iskoolada sare iyo Jaamacadaha dalka Soomaaliya ayaa helin shaqo u qalanta wixii ay soo barteen, iyagoo xirfadaha shaqooyinka ay soo barteen ay aad ugu yaryihiin Magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliy, waxaana badanaa shaqooyinkan hela dadka (Elite-ka) ah oo ay waalidkood shaqooyinka sare hayaan.
Hadaba Ardaydan ayaa qaar niyad jab xoogan ka qaada markii ay arkaan iyaga oo haysta Shahaado hadana, aan heli karin shaqo u qalanta, dhalinyaradan ayaa qaar waxa ay doorbidaan inay dalka isaga tagaan oo ay Tahriib u soo aadan wadamada reer galbeedka, waxana ay dhalinyaradani wajahaan dhibaatooyin kala duwan inta ay tahriibka ku soo jiraan.
Dhalinyaradan qaar ayaa waxaa ay u gacan galaan Magafe-ha, iyagoo qaarna lagala baxo kelyaha, kuwa nasiib u yeesho inay ka badbaadaan magafaha ayaa waxaa sugayso badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga ee Mediterranean-ka.
Hadaba dhalinyarada qaar ayaa waxa ay suubsadaan shaqo abuur, oo waxa ay sii raadsadaan shaqo ay ku sii meelgaaraan inta ay ka helayaan shaqo u qalanto waxbrashadooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at