Daawo: Hogaamiyihii Hore ee Ururka Boko Haram oo kasoo Muuqday Video

Daawo: Hogaamiyihii Hore ee Ururka Boko Haram oo kasoo Muuqday Video

daajis.com:- Hogaamiyaha khilaafka ka taagan yahay ee ururka Boko Haram Abubakar Shekau ayaa muuqaal Video ah ee uu soo duubay ku sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha saxda ah ee ururka Boko Haram, inkastoo ururka Daacish ay sheegeen inay bedeleen.


Abubakar Shekau ayaa cambaareeyay ku dhowaaqida ay Daacish ku sheegtay in Abu Musab al-Barnawi uu yahay hogaamiyaha cusub ee ururka Boko Haram.

Hadaba 18kii bilood ee u danbeeyay ayaa waxaa dib u dhac weyn ku yimid ururka, iyadoo deegaano badan oo ay gacanta ku hayeen laga saaray. Shekou ayaa markii ugu dambeysay ee la maqlo ahayd bishii August ee sanadkii la soo dhaafay isagoo xilligaas sheegay inuu nool yahay.

Jabhadda Xag jirka ah ee Boko Haram ayaa la dagaalamaysa dowlada Nigeri, sheegtayna inay dooneysa in dalka Nigeria lagu xukumo shareecada Islaamkia.

Video-giisa cusub ee uu soo saaray ayuu ku tilmaamay hogaamiyaha cusub oo ururka Daacish u magacaabay Taliyaha Boko Haram inuu yahay qof isaga doonaya inuu afgambiyo.

Warkan ka soo yeeray Hogaamiyihii Hore ayaa muujinaya in khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro ururka Boko Haram taasina ay sababi karto in dhexdooda uu dagaal uu ka dhex qarxo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada