Muran soo kala dhex galay TRUMP iyo Saraakiisha Amniga dalka Maraykanka

Muran soo kala dhex galay TRUMP iyo Saraakiisha Amniga dalka Maraykanka

daajis.com:- Muran ayaa ka dhex billowday musharaxa xisbiga Jamhuuriga dalka mareykanka ee Donald Trump iyo 50 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee laamana amniga qaranka waddankaasi oo intooda badan la soo shaqeeyay maamulkii madaxweyne Bush.


Saraakiishani oo ay ka mid yihiin agaasimihii hore ee CIA-da mareykanka iyo labo nin oo madax ka ahaan jirtay wasaaradda arrimaha amniga gudaha ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Trump uusan la hayn dabeecadda, qiyamka iyo waayo aragnimo uu ku noqdo madaxweynahe.

Waxa ay saraakiishani saadaaliyeen in Trump uu noqon doono madaxweynaha ugu taxaddar la’aanta badan taariikhda mareykanka.

Trump ayaa hadalkaasi uga jawaabay in saraakiishaasi ay ka tirsan yihiin aqoon yahanno fashilmay oo reer Washington ah, kuwaasi oo ay tahay buu yiri in lagu eedeeyo in caalamka ay ka dhigeen meel halis badan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada