daajis.com:- Qarax is miidaamin ah oo saakay lagu qaaday Isbitaal ku yaala magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxaa ugu yaraan ku geeriyootay 40 qof oo boolis iyo shacab isugu jira.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid uu geystay qof isa soo miidaamiyay ayaa lala beegsaday qeybta gurmadka deg dega, oo xiligaasi la keenay meydka nin Qareen ah oo saacado ka hor la khaarijiyey, waxaana xiligaasi goobta ku sugnaa Qareeno badan iyo qoyska marxuumkaasi.
Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 50 qof, iyadoo la filayo in dhimashada ay sii kororto, maadaama xaalada dadka dhaawacmay qaarkood ay tahay mid laga deyrinayo.
Koox ka falaagoowday Ururka Al Qaida ayaa sheegatay inay iyagu ka danbeeyaan weerarkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:30 and have
