Daawo:- Khasaarihii Qaraxyadii Gaalkacyo oo kordhay Iyo Al-shabaab oo sheegatay

Daawo:- Khasaarihii Qaraxyadii Gaalkacyo oo kordhay Iyo Al-shabaab oo sheegatay

daajis.com:- Ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay halka 35 kale ay dhaawacmeen kadib markii laba baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo,  qaraxaas ayaa waxaa xigay rasaas u muuqatay mid iska hor imaad ah.


Qaraxa labaad ayaa ahaa kan ugu khasaaraha badnaa waxaana uu ka dhacay suuqa Dayax oo ay ku yaalaan goobo ganacsi, una dhow xarunta dowladda Hoose.

Afhayeenka dhanka Howlgalada Kooxda Al-shabaab Cabdiasis Abu Musab ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, in qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo in ay Fuliyeen dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab.

Cabdiasis Abu Musab ayaa tilmaamay in qasaaro lagu gaarsiiyay qaraxyadaas Askar ka Tirsan Ciidamada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug “Waxaa jirey Labo qarax oo gaari loo adeegsaday aan ku weerarnay Magaalada Gaalkacyo”, ayuu yiri abuu Muscab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada