Dagaalyahanada Taliban oo la Wareegay Gacan ku haynta Magaalada Muhiimka ah ee Kunduz (VIDEO)

Dagaalyahanada Taliban oo la Wareegay Gacan ku haynta Magaalada Muhiimka ah ee Kunduz (VIDEO)

daajis.com:- Dagaalyahanada Ururka Taliban ayaa waxay maanta si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Khanabad, oo ka tirsan Gobolka Kunduz oo dhaca Koonfurta Wadanka Afghanistan.

Tani waxay ka dambeysay kadin markii rasaas la’aan ay soo wajahday Ciidamadii Dowladda Afghanistan ee ku sugnaa Degmadaasi, ayna isaga soo dhaqaajiyeen goobihii ay ku sugnaayeen, waxaana la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay hujuum kala kulmayeen Xoogaga Taliban.


Saraakiisha Dowladda Afghanistan, ayaa waxay sheegeen in xalay oo dhan uu dagaal ka socday hareeraha Degmada Khanabad, iyagoo ugu dambeena xaqiijiyay in gacantoodu ka baxday Degmadaasi.

Saraakiisha Afghanistan ayaa taasi sabab uga dhigay Ciidamada Dowladda oo aan helin taageeradii ay uga baahnaayeen Xukuumadda Kabul.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada